Hordhac: Las Palmas vs Real Madrid

Kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ee wadanka Spain, ee Real Madrid ayaa waxay safar ay ugeli doontaa si ay ula soo dheesho dhigeeda Las Palmas kulan La Liga ka tirsan.

Ciyaarta labadaan kooxood ayaa imaaneysa iyadoo Palmas ay qarka u saaran tahay inay dhacdo iyo Madrid ayaa dooneysa inay booska labaad ay kala baxdo Atletico Madrid.

Sikastaba, wiilasha Zidane ayaa waxay u badan tahay in caawa ay burbursan doonan Las Palmas, maadaama ay tahay mid tacbaan ah inkastoo ay wax isbedali karaan.

Wararka Labadda Koox
Zidane ayaa wuxuu kulankaan uu basiyay magaccyo waa weyn, sida Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos, Marcelo iyo Isco, kuwaasoo dhamaan tooda kusoo daalay kulamada xulalka.

Laakiin, waxaa caawa Madrid diyaar u ah Gareth Bale iyo Karim Benzema, kuwaasoo dhamaantooda qeyb ka noqon kara ciyaartaan.

Ma jiro ciyaaryahan weyn oo Madrid dhaawac uga maqan kulankaan, waxaana ay heleysaa Los Blancos saf xoogan oo dhameystiran.

Paco Jémez, tababahara Las Palmas ayaa waxaa kulankaan ka seegi doona ciyaartoyda kala ah: Pedro Bigas, Emmanuel Emenike, Gabriel Penabla, Dani Castellano, Jairo Samperio iyo Oghenekaro Etebo, kuwaasoo dhamaan dhaawac ah.

Shaxda Macquulka Ah
LAS PALMAS: Chichizola; Rocha, David Garcia, Navarro, Aguirregaray ; Halilovic, Etebo, Gomez, Tana; Calleri, Exposito

REAL MADRID: Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Bale, Benzema, Ronaldo

Si Kooban
Tartanka: La Liga
Kulanka: Las Palmas vs Real Madrid
Garoonka: Estadio Gran Canaria
Saacadda: 19:30 [Fiidnimo, Waqtiga Geeska Arika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com