Hordhac: Leicester City vs Chelsea – Dabacooyinka & Blues Oo Ku Hardamaya 8 Dhamaadka FC Cup

Kooxda kubada cagta Chelsea ayaa waxay usafri doontaa dhigeeda Leicester City, si ay ula dheesho ciyaar ka tirsan wareega Sideed dhamaadka tartanka xiisaha leh ee FA Cup-ka, kaasoo laga dheelo gudaha wadanka Ingiriiska.

Ciyaarta oo lagu dheelayo guriga kooxda dabacooyinka lagu naaneyso ayaa midii badisaa waxay si toos ah ay isaga xaadirin kartaa wareega Afar dhamaadka, laakiin hadii ay wada galaan Bareejo waxay ciyaari doonan lug labaad, sida sharciga uu dhigayo.

Kooxna hada lama dhihi karo iyada ayaa ugu cad-cad inay soo gudubto, maadaama ay kawada dheelaan horyaalka Premier League, islamarkaana ay yihiin kuwa muuqaal ciyaareed fiican aanan soo bandhigin kulamo is-daba joog ah ama xiriir ah.

Image result for Leicester City vs Chelsea

Wararka Labada Koox

Leicester City ayaa waxay kulankaan heli kartaa sa ciyaareed xoogan, maadaama uusan jirin ciyaaryahano dhaawac ama xitaa shaki laga gelinayo, inkastoo laga yaabo in maamulaha naadigaan uusan dheelsiin xidigaha dookha koowaad u ah.

Dhinaca kale, naadiga kubada cagta Chelsea ayaa waxaa kulankaan ka maqnaan doonaa laacibiin uu kamid yahay David Luiz, kaasoo inta badan xili ciyaareedkan aanan wax badan dheelin iyadoona sababtuna wali macadda.

Alvaro Morata oo keydka loogu dhameeyay kulankii Barcelona ee Champions League, ayaa wuxuu kasoo muuqan karaan kulankaan safka koowaad.

Antonio Conte, macalinka Chelsea ayaa wuxuu yahay mid aanan wax nasiino ah siin doonin ciyaartoydiisa, maadaama uusan jirin tartan kale, oo hada ufuran, maxaa yeelay Premier League City ayaa la hooyan rabta halka Champions League laga soo reebay.

Shaxda Macquulka Ah

LEICESTER CITY: Schmeichel| Simpson, Morgan, Maguire, Chilwell; Gray, Iborra, Ndidi, Mahrez; Iheanacho, Vardy

CHELSEA: Caballero |Rudiger, Christensen, Cahill; Zappacosta, Drinkwater, Fabregas, Emerson; Pedro, Morata, Hazard

Si Kooban

Tartanka: FA Cup

Kulanka: Leicester City vs Chelsea

Garoonka: King Power

Saacadda: 17:30 [Fiidnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com