Hordhac: Liverpool vs Crystal Palace

Naadiga kubada cagta cagta Liverpool oo kamid ah kooxaga farta sare uga jira hada horyaalka Premier League ayaa la dheeleysa duhurnimada waqtiga qadada maanta oo Sabti dah dhigeeda Crystal Palace kulan xiiso leh.

Ciyaartaan oo lagu dheeli doono garoonka Palace ayaa waxay utahay labada dhinac mid muhiim ah, maadaama ay wada doonayaa inay sii joogaan boosaska ay hada fadhiyaa – Liverpool ayaa rabta afarta sare halka Palace ay ka ordeyso inay dhacdo.

Hadaba, waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbin doonaa wax walba oo aad uga baahan tahay inaan ka ogaato kulankaan ee ka bogasho wacan.

Wararka Labadda Koox

Crystal Palace, ayaa waxaa kulankaan mar kale aysan heli doonin ciyaartoyda kala ah: Jason Puncheon, Scott Dann iyo Bakary Sako, kuwaasoo dhaawacan.

Sidaasi si lamid ah, waxaa ka maqnaan doona ciyaartoyda kala ah: Alexander Sorloth, Wilfred Zaha, Joel Ward, Jeffery Schlupp iyo Julian Speroni, ayaa waxay yihiin kuwa liiska dhaawcyada ee Palace ku jira.

Dhanka kale, Liverpool ayaa waxaa dhaawac dhanka qancowga ah uga maqnaan doona ciyaartoyda kala ah: Dejan Lovern iyo Emre Can, kuwaasoo shaki badan laga muujinayo inay dheeli karaan ciyaartaan xiisaha leh.

Shaxda Labada Koox

CRYSTAL PALACE: Hennessey; Bissaka, Tomkins, Sakho, Aanholt, Townsend, Cabaye, Milivojevic, McArthur, Loftus-Cheek, Benteke

LIVERPOOL: Karius; Gomez, Matip, Van Dijk, Robertson, Wijnaldum, Henderson, Milner, Salah, Firmino, Mane

Si Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Crystal Palace vs Liverpool
Garoonka: Selhurst Park

Saacadda: 14:30 [Duhurnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com