Hordhac: Liverpool vs Porto – Kooxda Klopp Oo Ay Ugu Cad-cad Inay Gaarto Wareega 8-da

Liverpool oo gacanta ku haysata faa’ido 5-0 oo ay kusoo badisay lugtii koowaad, ayaa waxay ku marti qaadi doontaa gurigeeda Anfeild dhigeeda FC Porto oo kasoo safreysa dalka Portugal, ee isla qaaradda Yurub.

Ciyaartaan waxay tahay mid ay sida iska cad Liverpool baashaali karto, maadaama muuqaal ciyaareedkeeda uu ahaa maalmihii lasoo dhaafay mid aan caadi ahayn, inkastoo ay wax badan isbedali karaan.

Sikastaba, waxaa iska cad in Liverpool ay usoo bixi karto wareega Sideed dhamaadka Champions League, hadii aysan mucjiso iyo wax Anfariir dhaliya la imaan kooxdii uu sanado ka hor koobkaan uqaaday Jose Mourinho.

Related image
Hordhac: Liverpool vs Porto – Kooxda Klopp Oo Ay Ugu Cad-cad Inay Gaarto Wareega 8-da

Wararka Labada Koox

Macalin Klopp, hogaamiyaha Liverpool ayaa wuxuu wacad ku maray in uusan wax nasiino ah siin doonin ciyaartaan hal ciyaaryahano, kaasoo ka tirsan kooxdiisa safka koowaad, islamarkaana uu ciyaarta kusoo wada bilaabi doono.

Kaliya, daafaca reer Spain ee Alberto Moreno ayaa wuxuu yahay midka ka maqan Reds, waxaana laacibkaan uu ku maqanaan doonaa ganaax ku dhacay mar sii horeysay, inkastoo Emre Can shaki laga gelinayo.

Geesta kale, kooxda Porto ayaa waxaa shaki laga gilinayaa inay heli karto ciyaartaan Sergio Conceicao, laakiin waxaa usoo noqonaya Felipe kadib hal kulan oo ganaax ah, inkastoo Moussa Marega uu dhaawac yahay.

Sidaa si lamid ah, waxaa ciyaartaan usoo laabtay Porto ciyaaryahankeeda muhiimka ah ee Vincent Aboubakar, kaasoo daafaca kooxda si weyn udhisa, sidoo kale, waxaa la rajeynayaa inuu kulankaan dheelo Iker Casillas.

Shaxda Macquulka Ah

Safka LIVERPOOL

Goolhaye:  Karius

Daafac: Alexander-Arnold(RB),  Lovren(CB), Van Dijk(CB), Robertson(LB)

Khadka Dhexe:  Can(CM), Henderson(CM), Milner(CM)

Weerarka:  Salah(RF), Firmino(CF), Mane(LF)

Safka PORTO

Goolhaye:  Casillas

Daafac: Maximiliano Pereira(RB), Felipe(CB), Marcano(CB), Dalot(LB)

Khadka Dhexe:  Otavio(CM), Oliveira(CM), Herrera(CM), Brahimi(CM)

Weerarka:  Aboubakar(RS),  Tiquinho(LS)

Si Kooban

Tartanka: Champions League

Kulanka: Liverpool vs FC Porto

Garoonka: Anfield

Saacadda: 10:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com