Hordhac: Malaga vs Barca – Valverde Oo Xusul Duub Ugu Jira Inuu Hogaanka Dheereysto

Kooxda kaalinta koowaad kaga jirta shaxda kala horeynta ee La Liga, ayaa waxay usoo socodaali doontaa dhigeeda Malaga si ay ulo dheesho kulan xiiso leh.

Ciyaartaan ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadoo labada dhinac ay meel u kala ordayaa – Barca oo horyaalka rabta iyo Malaga oo ka ordeysa inay dhacdo.

Sidoo kale, ciyaartoyda uu hogaamiyo macalin Ernesto Valverde ee Bluagrana ayaa waxay xusul duub ay ugu jiraan sidii ay hogaanka udheereysan lahaayeen.

Wararka Labada Koox

Macalinka Barca ayaa nasin doona qaar kamid ah ciyaartoydiisa ugu muhiimsan, sabbatoo ah kulanka bartmaha Isbuucaan ee Chelsea

Laakiin, waxaa dhaawac uga maqnaan doona Valverde laacibiin dhowr ah oo ay kamid yihiin: Denis Suarez iyo kuwa kale, oo badan

Yerry Mina oo Barceona daafaca dhexe uga dheela ayaa laga reebay safka Barcelona ee kulankaan uga qeybgaleysa halka Iniesta uu ku jiro

Geesta kale, kooxda Malaga ayaa waxay qabtaan liis dheer oo dhaawacyo ah, waxaana ka maqnaan doona ciyaartoyda kala ah: Adrian Gonzalez, Recio iyo Keko.

Shaxda Macquulka Ah

MALAGA: Roberto: F. Ricca, I. Miquel, L. Hernandez, R. Rosales, G. Gastro, M. Lacen, M. Iturra, D. Rolan, A. Bueno, Y. En-Nesyri

BARCELONA: Ter Stegen: Sergi Roberto, Pique, Samuel Umtiti, Alba, Coutinho, Rakitic, Busquets, Iniesta Dembele, Messi

Si Kooban

Tartanka: La Liga

Kulanka: Malaga vs Barcelona

Garoonka: La Rosaleda Stadium

Saacadda: 10: 45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com