Hordhac: Man City vs FC Basel – Sky Blues Oo Ay Lug Kula Sii Jirta Wareega Sideed Dhamaadka

Kooxda kubada cagta Manchester City ayaa waxay kusoo dhaweyn doontaa gurigeeda dhigeeda FC Basel, si ay ula soo dheesho ciyaar ka tirsan lugta labaad ee wareega 16-ka ee tartanka Champions League

Lugtii koowaad, labadaan kooxood ayaa waxay kusoo kala baxeen 4-0, oo ay kusoo badisay Sky Blues, waxayna ka dhigan tahay midaas in kooxda Pep inay ugu cad-cadahay usoo bixitaanka wareega xiga.

Inkastoo ay tani jirto, hadana waxaa macquul inay tahay inaydo mucjiso ay lasii saadaalineen, maadaama ay horey udhacday in kooxaha waa weyn, kuwaasoo lugta koowaad guul soo gaaray la gaaraacay lugta dambe.

Wararka Labada Koox

Manchester City, ayaa waxay rajeyneysaa in kulankan aysan helin ciyaarahan Fernandinho, kadib dhaawac dhanka Muruqa ah.

Sidoo kale, waxaa shaki weyn laga gelinayaa inuu dheeli doono Kyle Walker, sababo ku aadan dhaawac dhannka Bowdaha ah.

Raheem Sterling, ayaa qeyb kamid ah, xidigaha aan la hubin taam-ahaan shahooda, kadib dhaawac muruqa ah.

Geesta kale, kooxda kubada cagta FC Basel, ayaa waxay tahay mid ay kamid yihiin ciyaartoyda kala ah: Germano Vailati iyo Germano Vailati, mid waa uu ganaaxan yahay kan kale, wuxuu yahay mid ka dhaawacan Garabka

Shaxda Macquulka Ah

MAN CITY

Manchester City lineup

FA BASEL

Basel lineup

Si Kooban

Tartanka: Champions League

Kulanka: Man City vs FC Basel

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 10:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com