Hordhac: Man United v Leicester City – Kulanka Furitaanka EPL Iyo Wax Walboo Aad Uga Baahan Tahay

Kooxaha Manchester United iyo Leicester City ayaa waxay xariga ka xariga ay ka jari doonan habeen-nimadda caawa oo Jimco ah tartanka Premier League, kaasoo sanadkaan xiiso gooni ah leh.

Man United ayaa badisay mid walba oo kamid ah kulamada furitaanka Premeir League saddexdii sano ee lasoo dhaafay, inkasta oo ay ku hareeraysan yihiin xagaagan dhibaatooyin badan.

WARARKA LABADA KOOX

Lukaku ayaa waxaa shaki laga gelinayaa inuu dheeli karo kulankaan sababo ku aadan inuu kusoo daahay koobka aduunka 2018, waxaana lamid ah Paul Pogba oo aanan isaga xaadir noqon karin.

Laakiin, waxaa la rajeynayaa inuu fursadiisii ugu horeysay helo Fred, kaasoo aanan si joogta ah ugu dheelin Brazil koobka aduunka ayaa ciyaartiisii ugu horeysay udheeli kara Red Devils.

Dhanka kale, laacibkii hore ee Man City, Iheanacho ayaa weerarka Dabacooyinka hogaamin kara, maadaama laacibka lagu magacaabo Verdy uu dhankiisa kusoo daahay koobka aduunka 2018.

Evans ayaa kooxdiisii hore ee Manchester United ka hor-imaan kara, maadaama uu fasal ciyaareedkaan kusoo biiray Leicester City, xili uu kasoo dhaqaaqay naadiga West Bromwich Albion.

SHAXDA MACQUULKA AH

MAN UNITED|De Gea; Darmian, Bailly, Smalling, Shaw; Fred, Pereira, McTominay; Mata, Rashford, Sanchez

LEICESTER CITY|Schmeichel; Pereira, Morgan, Evans, Chilwell; Ndidi, Iborra; Albrighton, Maddison, Gray; Iheanacho

SI KOOBAN

Kulanka: Man United v Leicester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 10:00 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]