Hordhac: Man Utd vs Brighton – Red Devils Oo Kadib Niyad Jabkii CL Isku Dayeysa Hanashada FA Cup-ka

Kooxda kubada cagta Manchester United, ayaa waxay caawa kusoo dhaweyn doontaa gurigeeda Old Trafford dhigeeda Brighton, si ay ula dheesho kulan ka tirsan  wareega Sideed dhamaadka koobka xiisaha leh ee FA Cup-ka wadanka UK.

Red Devils ayaa waxay umuuqataa mid xoogeeda oo dhan isugu geyneysa sidii ay koobkaan ku qaadi lahayd, maadaama Champions League, ay kasoo reebtay Isbuucii hore naadiga wadanka Spain ka dhisan ee Sevilla, markaasoo minankeeda lagu reebay.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa ayaa waxay soo dar-dareen si ay usoo gaaraan wareega Sideed dhamaadka FA Cup-ka, kooxaha kala ah: Derby County, Yeovil Town iyo Huddersfield Town, caawana waxay doonayaa inay xaaqaan dhigooda Brighton.

Image result for man united vs brighton - FA Cup

Wararka Labadda Koox

Manchester United ayaa kulankaan weyn doonta adeega ciyaartoyda kala ah: Daley Blind iyo Ander Herrera, kuwaasoo dhaawac dhanka Qoobka ama Qancowga ah qaba – Zlatan Ibrahimovic ayaa sidoo kale Jirdhis ku maqan doonaa.

Sidaa si lamid ah, waxaa ciyaartaan ka seegi doonaa Man Utd, daafacyadda kala ah: Phil Jones iyo Marcos, kuwaasoo dhaawac qaba.

Dhanka kale, kooxda Brighton ayaa waxaa iyada aysan heli doonin laacibiinta kala ah: Steve Sidwell iyo Jiri Skalak, kuwaasoo dhaawacyo kala duwan oo dambeedka qaba.

Macalin Chris Hughton, ayaa waxaa la rajeynayaa kulankaan inuu sameeyo isku shaan-dhayn xoog leh, islamarkaana uu nasin doono ciyaartoydiisa dookha koowaad ah.

Shaxda Macquulka Ah

MAN UNITED: De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Young; McTominay, Matic, Pogba, Mata; Sanchez, Lukaku

BRIGHTON FC: Ryan; Schelotto, Dunk, Duffy, Bong; Propper, Stephens, Gross, Izquierdo, Kayal; Murray

Si kooban

Tartanka: FA Cup-ka

Kulanka: Man United vs Brigthton

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 10;45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com