Hordhac: Man Utd vs Liverpool – Labadan Koox Oo Isku Haysta Kaalinta 2aad Oo Baratami Doona

Kooxda kubada cagta Manchester United ayaa waxay Old Trafford ay kusoo dhaweyn doontaa dhigeeda Liverpool si ay ula dheesh kulan EPL-ka ah.

Labadaan koox ayaa waay isku haysataan kaalinta labaad ee shaxda kala horeynta ee Premier League, maadaama hada labaad iyo saddexaad ay kala fadhiyaa.

United ayaa leh 61 dhibcood, halka Reds ay shaqeysaay 60 Buundo, waxaana udhaxeysa kaliya Hal dhibic – Manchester City ayaa waxay Jiiftaa kaalinta koowaad iyadoona hel 28 dhibcood, 16 Buundo ayay Red Devils ka sareysaa.

Wararka Labada Koox

Man United ayaa waxay kulankaan weyneysaa liis ciyaaryahano oo badan, waxaana kamid ah: Marcos Rojo, Martial, Ibrahimovich iyo kuwa kale.

Laakiin, Jose Mourinho ayaa kulankaan wuxuu heli karaa, Sanchez, Pogba iyo waliba ciyaaryahano kale oo aad muhiim u ah.

Geesta kale, kooxda kubada cagta Liverpool, ayaa waxaa kulankaan ka seegi doonaa dafaacaeed Nathaniel Clyne – laacibkaan reer England, dhaawac dhanka Jilibka ah ayuu qabaa.

Balse, Klopp, kulankaan wuxuu garoonka keeni karaan ciyaaryahano kale, sida, Maxamed Saalax, Mane iyo Firmino oo muhiim u ah shaxdiisa.

Shaxda Macquulka

MAN UNITED: De Gea: Valencia, Bailly, Smalling, Shaw, McTominay, Matic Pogba, Lingard, Lukaku Sanchez

LIVERPOOL: Karius: Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson, Chamberlain, Henderson, Can, Salah, Firmino, Mane

Si Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Man United vs Liverpool

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 15:30 [Galabnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com