Hordhac: Man Utd vs Sevilla – 2 Koox Oo Aysan Midna Ugu Cad-Cadeen U Soo Bixida Wareega 8

Manchester United ayaa waxay Old Trafford ay kusoo dhaweyn doontaa caawa oo Talaado ah dhigeeda Sevilla si ay ula dheesho lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka xiisaha leh ee Champions League.

Labadaan kooxood ayaa waxay kusoo kala baxeen lugtii koowaad Bareejo 0-0 markaasoo lagu soo dheelay garoonka kooxda reer Spain.

Tani ayaa ka dhigeysa in aan lasii saadaalin karin kooxda lugta labaad labinta sare heli karta, maadaama lugtii hore aysan kala cadeen kooxdii awood badneed, waxaana la saadaaliyeen in kulan adag ay dheeli doonan.

Manchester United Vs Sevilla, Champions League

Wararka Labada Koox

Paul Pogba, ciyaaryahana Manchester United, ayaa waxaa shaki laga gelinayaa inuu dheeli karo ciyaartaan, sababo caafimaad darteeda

Jose Mourinho ayaa waxa uu kulankaan kusoo bilaabi karaa Marcos Rashford kadib markii wiilkaan uu shabaqa soo taabtay ciyaartii ay garaaceen Liverpool, Isbuucaan, taasoo EPL ka tirsaneed.

Marcos Rojo, Ibrahimovich iyo ciyaartoy kale ayaa waxay wali ka yihiin Red Devils kuwa dhaawacan, uma badna inay dheeli karaan ciyaartaan xiisaha leh

Geesta kale, kooxda kubada cagta Sevilla ayaa waxay ciyaartaan heli kartaa saf ciyaareed xoog badan, mana jiraan wax dhaawacyo ah, oo ay ka walwalsan yihiin marka ay caawa la dheelayaa kooxda UK ugu guulaha badan

Shaxda Macquulka Ah

MAN UNITED: De Gea, Valencia, Lindelof, Smalling, Shaw, Mctominay, Matic, Lingard, Sanchez, Rashford, Lukaku

SEVILLA: Rico: Layun, Mercado, Lenglet, Escudero, Nzonzi, Banega, Sarabia, Vazquez, Correa, Yedder

SI Kooban

Tartanka: Champions League

Kulanka: Man United vs Sevilla

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 10:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com