Hordhac: Manchester United vs Swansea City

Manchester United ayaa waxay Old Trafford ay kula dheeli doontaa dhigeeda Swansea City kulan ciyaareed xiiso leh, kaasoo ka tirsan Premier League.

Inkastoo horyaalka uu umuuqdo mid ay ku guuleysan karo Man City, hadana waxaa iska cad in Man United ay udagaalameysa booskeeda Champions League.

Kulankaan ay wajahayso Swansea City ayaa wuxuu yahay qorshaha labadda dhinac inay guul ay gaaraan, hadana waxaa loo wada fadhiyaa mid ay labintu hesho.

Wararka Labadda Koox

Manchester United, ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Ander Herrera kasoo dhaawac ku maqnaan baryihii udambeeyay.

Laakiin, waxaa wali dhaawac qaba laacibka da’da yar ee Scott McTominay, kaasoo kusoo dhaawcmay kulamadii
saaxiibtinimo ee xulalka.

Man United ayaa waxaa ay qabtaa walaac kale, oo ku aadan hadii uu kulankaan kusoo bilaaban karo daafaceeda Phil Jones.

Dhanka kale, Swansea City ayaa waxaa kulankaan aysan badneen inay ugu soo bilaaban karaan ciyaartoyda kala ah: Leroy Fer iyo Wilfred Bony, maadaama ay dhaawac yihiin.

Renato Sanches iyo Angel Rangel ayaa sidoo kale seegaya kulankaan, maadaama ay dhaawac yihiin, sidaas si lamid ah Jordan Ayew ayaa dhaawac ah.

Shaxda Macquulka Ah

MANCHESTER UNITED: De Gea; Valencia, Baily, Smalling, Young; Matic, Pogba, Mata, Sanchez, Martial; Lukaku

SWANSEA CITY: Nordfeldt, Naughton, Hoorn, Bartley, Mawson, Olsson; A. Ayew, Ki, Caroll, Clucas; Abraham

Si Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Man United vs Swansea City

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 17:00 [Galabinimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com