Hordhac: Napoli Vs Liverpool: Reds Oo Difaacashada Champions League Ku Bilaabanaysa Garoon Lagu Garaacay Xilli Ciyaareedkii Hore.

Kooxda Liverpool ayaa bilaaban doonta difaacashada koobka champions League iyaga oo ciyaari doona kulankoodii ugu horeeyay ee Group-yada iyaga oo la ciyaari doona waji ayna isku cusbayn marka ay la ciyaari doonaan kooxda Napoli oo ay sidoo kale isku Group ahayeen xilli ciyaareedkii hore.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan 5 kulan oo xidhiidh ahna badiyay horyaalka kuna rajo weyn in ay si fiican ku bilowdaan champions League.

Reds ayaa guuldaro kala kulantay markii ugu dambeeyay ee ay booqatay garoonka kooxda Napoli xilli ay doonayaan in ay ka fogaadaan arintaas oo kale xilli ciyaareedkan.

Advertisement

Dhanak kale Napoli ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo Sampdoria 2/0 ku garaacay horyaalka Serier A-da xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Napoli Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: San Paolo Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 5-aad ee dhex mara Napoli iyo Liverpool tartamada yurub iyaga oo kulmay sanadkii 2010/2011 kulan ka tirsanaa wareega Group-yada Europa League halka ay sidoo kale kulmeen Wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xilli ciyaareedkii hore Napoli aya 1/0 ku garaacday Liverpool kulan ka dhacay garoonka Stadio San Paolo xilli ayna Liverpool xitaa hal laad ku laadin shabaqa kooxda Napoli.

Guuldaradaas ayaa ahayd midii ugu horaysay ee ay Napoli ka gaadhay kooxaha reer England 6 kulan oo ay la kulmeen.

Kooxda difaacanaysa champions League ayaan laga badin kulanka ugu horeeya ee champions League tan ilaa markii ay Ac Milan oo difaacanaysa tartanka ay guuldaro kala kulantay Ajax sanadkii 1994/1995