Hordhac: PSG v Liverpool – Kooxahaan Oo Xusul-duub Ugu Jira Sidii Ay Midba Tan Kale U Jiiri Laheyd

Kooxaha PSG iyo Liverpool ayaa isaga hor-imaan doona kulan ciyaareed muhiim ah, kaasi oo qayb ka ah tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Naadiyadaan ayaa xusul duub waxay ugu jiraan inay helaan saddexda dhibcood si ay uxaqiijistaan kaalintooda Group-ka iyo wareega 16-ka koobkani.

WARARKA LABADA KOOX

Liverpool oo marti ah, waxaa nan jirin ciyaaryahan wayn oo dheesha ay wayn doonto, balse, waxaa jiri doona laacibiin shaki laga qabo inay kusoo bilowdaan.

Klopp ayaa bishaaro waxaa u ah inuu heli doono weerarkiisa saddexda af, kuwaasi oo xusul-duub ugu jira sidii ay saddexda dhibcood u heli lahaayeen.

Dhanka kale, PSG ayaa si cad usheegtay in kulankaan ay dheeli doonan Neymar iyo Mbappe, kuwaasi oo shaki laga gelinayay inay ciyaari karaan.

SHAXDA MACQUULKA AH

LIVERPOOL: Alisson Bekar; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Milner, Henderson, Keita; Salah, Firmino, Mane

PASG: Areola; Meunier, Thaigo Silva, Marquinhos, Bernat; Marco Verratti, Diarra, Rabiot; Mbappe, Edison Cavani, Neymar Jr.