Hordhac: Roma vs Shakhtar Donetsk – Kooxda Reer Italy Oo Halis Ugu Jirta Inay Ka Harto CL

Kooxda kubada cagta AS Roma, ee wadanka Talyaaniga ayaa waxay garoonkeeda Stadio Olimpico ay kusoo dhaweyn doontaa caawa oo Talaado ah dhigeeda Shakhtar Donetsk, si ay ula dheesho lugta labaad ee Champions League.

Labadaan kooxood ayaa waxay kusoo kala baxeen lugtii koowaad ee wareega 16-ka 2-1, oo lagu soo daaray Roma, xili guriga Shakhtar lagu dheelay.

Tani ayaa ka dhigan in Roma booskeeda wareega Sideed dhamaadka uu halis badan uu ku jiro, maadaama lugtii koowaad khasaaro ay lasoo kulantay, inkastoo ay wax walba dhici karaan ay macquul tahay inay soo baxdo.

Image result for AS Roma Vs Shakhtar Donetsk

Wararka Labada Koox

Kooxda Talyaaniga ka dhisan ayaa waxay heli kartaa ciyaartaan saf ciyaareed xoog badan, mana jiraan ciyaaryahano dhaawacyo kala duwan uga maqan

Eden Dzeko, kaasoo ganaax ku seegay ciyaartii ay Isbuucaan la dheeleen Torino ayaa waxaa uu kusoo bilaaban karaan kulanka Shakhtar

Sidoo kale, waxaa kulankaan ay heli kartaa Roma, ciyaartoy kala ah:  Daniele De Rossi, Radja Nainggolan iyo kuwa oo badan, misana muhiim ah.

Dhanka kale, kooxda Shakhtar ayaa waxaa kulankaan ay kusoo bilaabi kartaa safkii ku dheeshay lugtii koowaad misana ay guusha kusoo qaateen

Laakiin, waxaa ka maqnaan doona ciyaartoyda kala ah: Maksym Malyshev iyo Sergiy Kryvtsov, kuwaasoo lugtii koowaad ku maqnaa Qaliin dhanka Jilibka, lamana oga goorta ay ubadan tahay inay soo noqdaan.

Shaxda Macquulka Ah

AS ROMA: Alisson: Peres, Manolas, Fazio, Kolarov, Gerson, De Rossi, Strootman, Perotti, Dzeko, El Shaaraway

Shakhtar Donetsk: Pyatov: Srna, Ordets, Rakitsy, Ismail, Zubkov, Stepanenko, Kovalenko, Fred, Taison, Ferreyra

Si Kooban

Tartanka: Champions League

Kulanka: AS Roma vs Shakhtar Donetsk

Garoonka: Stadio Olimpico

Saacadda: 10:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com