Hordhac: Sevilla vs Barcelona

Barcelona ayaa waxay ku booqan doontaa garoonkeeda dhigeeda Sevilla si ay ula soo dheesho ciyaar ka tirsan horyaalka La Liga.

Kulankaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo isbuucaan uu dhici doono kulamo ka tirsan Champions League, islamarkaana todobaadkan uu yahay mid banooni.

Barca ayaa waxay rabtaa in marka ay booqato Sevilla ay si wadato rikoorkeeda guul daro la’aanta, maadaama llaa iyo hada aan dhinaceeda dhulka la dhigin.

Wararka Labada Koox

Sergio Basquets ayaa ah xidiga kaliya ee Barcelona dhaawac uga maqnaan kara, laakiin Valverde ayaa tilmaamay in wiilkaan uu diyaar noqon kara kulanka AS Roma.

Lionel Messi ayaaa kusoo laabtay liiska Barcelona ee wajahaysa Sevilla, inkastoo shaki laga gelinayay, hadana Messi ayaa caawa kusoo bilaaban kara.

Luis Suarez, Andres Iniesta iyo magacyo kale oo waa weyn ayuu kusoo daray sidoo kale, hogaamiyaha Bluagrana.
Dhanka kale, Sevilla ayaa waxay heleysaa saf ciyaareed xoog badan, mana jiri wax ciyaaryahan ah oo weyn oo kulankaan ka seegi kara.

Ben Yedder oo ah gooldhaliye halis ah ayaa ciyaartaan dheeli kara, waana mid kamid ah weerar yahanada Yurub ka dheela kuwooda ugu halista badan.

Shaxda Macquulka Ah

SEVILLA: Rico; Arana, Lenglet, Kjaer, Layun; Banega, Pizzaro, Correa, Nolito, Sarabia; Ben Yedder

BARCELONA: Cillessen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Rakitic, Coutinho, Iniesta, Dembele; Suarez, Messi

Si Kooban

Tartanka: La Liga

Kulanka: Sevilla vs Barcelona

Garoonka: Ramón Sánchez Pizjuán Stadium

Saacadda: 21:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com