Hordhac: Stoke vs Man City – Sky Blues Oo U Taag-taagsaneysa Hanadasha Premier League

Hogaamiyaasha Premier League, ayaa waxay usoo safri doonaa Stoke si ay ula dheelaan kulan ka tirsan Premier League.

Ciyaartaan ayaa waxay ubadan tahay inay guuleysan doonto Sky Blues, maadaama ay tahay mid xawaaro sare ku socoto.

Hadii ay dhacdo inay guuleysato City waxay ka dhigan tahay inay Talaabo yar ay ujirsatay hanashada horyaalka Premier League.

Wararka Labada Koox

Mame Diouf, Midfielder Stephen iyo Lee Grant, waa ciyaartoyda kooxda guriga lagu dheelayo iska leh ee Stoke kulankaan ka maqnaan doonta

Laakiin, Kevin Wimmer iyo Saido Berahino, waxay diyaar uyihiin inay wajahaan kooxda Man City iyagoona kasoo laabtay dhaawac

Dhinaca kale, Man City waxaa kulankaan ka maqnaan Fernandinho iyo Raheem Sterling, kadib markii dhaawac uu soo gaaray mar sii horeysay

Laakiin, City ayaa waxay heli kartaa David Silva kaasoo kulankii Champions League, ee Basel sababo aan la shaacin oo shaqsi ah

Fabian Delph ayaa wuxuu kasoo laabtay ganaax saddex kulan ah, laakiin wuxuu qabaa dhaawac dhanka Jilibka ah

Benjamin Mendy ayaa sidoo kale kusoo laabtay tababarka, kaasoo maqnaa wax badan, laakiin kulankaan lama hubo inuu dheeli karo

Shaxda Macquulka Ah

Si kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Stoke City vs Man City

Garoonka: bet365 Stadium

Saacadda: 23:00 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com