HORDHAC: Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka ay kaga daah furanayaan Borussia iyo Barcelona tartanka Champions League xilli ciyaareedka cusub 2019/20

 Kooxda Barcelona ayaa caawa marti ku noqon doonta garoonka Signal Iduna Park, si ay u wada ciyaaraan Borussia Dortmund kulankooda daah furka groupka F ee heerka group-yada tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan 2019/2020.

Barcelona ayaa raadineysa inay guul kaga gaarto kooxda Borussia Dortmund kulankeeda ugu horeeya ee tartanka Champions League, halka naadiga reer Germany uu doonayo in kulankan uu kaga faa’ideysto maadaama ay ku dhex ciyaarayaan dhulkooda iyo taageerayaashoodaba.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Champions League.

Kooxaha:Borussia vs Barcelona

Taariikhda: Talaado, 17 Sept 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Ovidiu Hategan (Romania)

Garoonka: Signal Iduna Park (Germany).

Wararka Kooxaha:-

Barcelona:

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa waxaa kulankan ka maqan labada xiddig ee kala ah Ousmane Dembélé, Samuel Umtiti.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan dib ugu soo laabtay safka naadiga reer Catalonia, kaddib markii uu si fiican kaga soo kabtay dhaawacii uu ka qabay dhanka muruqa, wuxuuna qeyb ka noqon doonaa kulanka caawa ee Borussia Dortmund.

Borussia Dortmund:

Xiddigaha Nico Schulz iyo Luca Unbehaun ayaa seegi doona kulanka caawa, halka ciyaartoyda kala ah Lukasz Piszczek iyo Mateu Morey, la shaki galinayo ka qeyb galkooda ciyaarta caawa ka dhici doonto garoonka Signal Iduna Park