Hordhaca: AC Milan vs Inter Milan -Wax kasta aad uga baahan tahay kulanka Caawa

Kulanka sagaalaad ee horyaalka Serie A -ayaa caawa dhexmari doona kooxaha Inter Milan iyo AC Milan.

Labada koox ee ka dhisan magaalada Milan ayaa isku wajaha ee Derby della Milan, iyagoo guul xariira gaaray kulamadii dambe.

Macalinka kooxda inter milan Luciano Spalletti ayaa heysta koox buuxda oo diyaar u ah tan iyo markii uu kusoo laabtay daafaca Sime Vrsaljko.

Maamulaha Milan ayaa sameynaya in safkiisa ugu xoogn uu dheel siiyo kulankan inkastoo bartamaha asbuucan uu wajahayo koobka Champions League .

Miranda ayay macquul tahay in la fariisiyo inkastoo uu ahaa dhaliyihii goolka guusha uu dalka Brazil ka gaaray Argentina intii lagu guda jiray cayaaraha nasiinada caalamiga.

Milan ayaa ugu yaraan ka walwalsan kulankooda Europe League, sidaa darteed macalin Gennaro Gattuso ayaa malaha sameyn kara isku shaandheen kulanka.

Mattia Caldara markale ayaa la filayaa in la fariisiyo waxaan booska daafaca dhexe uga cadcad Mateo Musacchio iyo Alessio Romagnoli.

Xaqiiqooyinka kulanka

Inter ayaa guuldarreysan marka ay marti galineyso AC Milan tan iyo bishii November 2010.

Waxaa jirta shan barbaro oo ay kooxahan galeen siddeedii cayaar ee ugu dambeysay.

AC Milan ayaa badisay laba kulan siddeedii dheel ee u dambeysay oo ay la dheeshay Inter milan

Shaxda Macquulka ah:

AC Milan: Donnarumma; Abate, Musacchio, Romagnoli, Laxalt; Kessie, Biglia, Bonaventura; Suso, Higuaín, Calhanoglu.

Inter Milan: Handanovic; D’Ambrosio, De Vrij, Skriniar, Asamoah; Vecino, Brozovic, Politano, Perisic, Nainggolan; Icardi.