Hordhaca: Argentine Vs Colombia -kulan katirsan tartanka Copa America

Xulka qaranka Argentine ayaa si Rasmi ah u bilaaban doona tartanka Copa America 2019 iyaga oo kulan adag la ciyaari doona xulka mayalka Adag ee Colombia kulan ka dhici doona garoonka Arena Fonte Nova.

Saaxiibada Lionel Messi ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay guul ku bilowdaan tartanka si ay rajo fiican ugu yeeshaan in ay wareega xiga ugu soo baxaan

Lionel Messi oo dhankiisa sheegay in uu doonayo in uu xulka qarankiisa koob kula guulaysto inta uuna ciyaaraha heerka caalami ah ka fadhiisan ayaa ogsoon in ay arintaas kaliya gaadhsiin karto guul uu ku bilowdo.

Kabtan Lionel Messi ayaa ciyaari doona tartanka Copa America markii ugu dambaysay maadama uuna 4 sano kadib gaadhi doonin ciyaaraha caalamiga ahna ka fadhiisan doono.

dhanka kale xulka qaranka Colombia oo ay hogaaminayaan xiddigaha James Rodriguez Iyo Radamel Falcoa ayaa doonaya in ay Argentine ka badiyaan si ay dhankooda ugu tartamaan ku guulaysiga tartanka.

Kulanka: Argentine Vs Colombia

Tartanka: Copa America

Wakhtiga: 1:00 Habeenimo

Garoonka: Arena Fonte Nova.