Hordhaca: Barcelona Vs Real Madrid- Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Copa Del Rey

Taageerayaasha caalamka Kubada cagta ayaa u jeedsan Doona Garoonka Camp Nou kaas oo marti gali doona kulan adag oo dhex mari doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kana tirsan lugta 1-aad ee Semi-finalka Copa Del Rey-ga.

Barcelona ayaa doonaysa in ay ka faa,iidaysato garoonkeeda guulna ka gaarto Real Madrid hal lugna la sii gasho finlaka Tartanka.

Sidoo kale kooxda Real Madrid ayaa kulanka u soo galaysa in ay natiijo fiican kala baxdo garoonka Camp Nou si ay garoonkeeda Santiago Bernabue ula tagto Barcelona.

Kulanka: Barcelona Vs Real Madrid
Tartanka: Copa Del Rey

Saacada: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou