Hordhaca: Brighton Vs Liverpool- liverbool Oo aan Guuldaro Kala Kulmin Brighton & Hove Albion

Kooxda Brighton & Hove Albion ayaa  ku Marti galin doonta liverbool  garoonka Amex Stadium kulan ka tirsan premier League

Liverpool ayaa kulanka u soo galaysa in ay gaarto guusheedii ugu horaysay ee tartamada oo dhan kadib markii ay la kulantay laba guuldaro oo xiriir ah.

Sidoo  kale Kooxda Brighton & Hove Albion ayaa isha ku haysa in ay gaarto guusheedii 3-aad oo xirir ah horyaalka premier League.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Macalinka  Brighton Chris Hughton ayaa raadinaya dhibicdiisii ugu horaysay ee isaga oo tababare ah uu ka helo Liverpool

Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Brighton heerka 1-aad halka ay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Brighton laga dhaliyay 15 gool iyada oo 16 ka mid ah ay dhalisay Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa badisay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay ciyaartay 6 galabnimo sabtida iyada oo 7 ka mid ah kulamadaas ay ugu yaraan dhalisay 3 gool.

Kulanka: Brighton Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Saacada: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Amex Stadium