Hordhaca: Burnley vs Manchester City- City wax walba u samayn doontaa inay guul lasoo laabato

Manchester City ayaa caawa marti u noqonaysa kooxda Burnley, waxaanay waxay doonaysa inay guul kala soo laabato kaddib kulan barbarro niyad-jab ah oo ay la gashay Newcatle United.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man City waxay 11 dhibcood ka hoosaysaa Liverpool oo hoggaanka horyaalka Premier League haysa, sidoo kalena waxa saddex dhibcood ka horreysa Leicester City oo labaad fadhida, laakiin kooxda Man city waxay caawa la iman doontaa jihaad aanay waxba uga dambaynin si aanay xilli hore uga bixin tartanka koobka.

Tababare Pep Guardiola waxa uu ogsoon yahay in haddii Burnley ay guul-darro kala soo laabtaan, in iyadoo bisha December ay bilow tahay ay quus ka istaagi doonaan koobka ay difaacanayaan, laakiin mar warbaahintu weydiisay waxa uu ku dooday in aanu sinaba isku dhiibi doonin oo uu illaa daqiiqadda ugu dambaysa dagaallami doono.

Manchester City oo ay ka dhaawacan yihiin xiddigihii qadka difaaca, ayaa waxay kale oo ay u dhinaysaa booskii uu banneeyey Vincent Kompany oo xagaagii ka tegay, kaas oo aanay helin laacib si buuxda booskaas u istaaga, isla markaana goolal ku badbaadiya kulamada adag ee afka hore iyo qadka dhexe shaqayn waayaan.

Hordhaca: Burnley vs Manchester City

Saacada: 11:15 pm 

Garoonka: Turf Moor

Garsooraha: Jonathan Moss

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com