Hordhaca: Dekedda iyo Elman-kulanka ugu xiisaha Badan horyaalka Somali Premier League

Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wada inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow Stadium ee dhaca degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banadir, waana kulankii 8-aad ee fasal ciyaareedkan laga dheelayo horyaalka.

Kani waa kulanka dagaalka hogaanka horyaalka Somali Premier League, maadama ay labada kooxod kala horeyan 3-dhibcood oo qura, Elman ayaa ah kooxda hogaanka heesa waxeyna leedhahay 17-dhibcod halka Dekedda ay ku jirta booska 3-aad ee kala sareynta waxeyna leedhahay 14-dhibcood.

Ciyaartan ayaa ah mid isla xisaabtan ku dhis, maadama ay kooxda Dekedda ay guuldaro 5-0 kala soo kulantay naadiga Mogdisho City Club, halka Elman ay cashar u soo dhigtay wiilasha Cawo iyo maalin ee Horseed.

Kulankan ayaa ah mid kulminaya dhamaan indhaha mucaashaqiinta kubadda cagta, badi taageerayasha kala duwan ee kala taageera kooxaha kale waxey ka dhowr sugayan in sanadkan kooxda Dekedda aysan qaadan horyaalka halka Jamaahiirta Elman oo ku taamaya in horyaalka muddo ugu dambeysay in sanadkan ay gacanta ku dhigan iyagoo raba iney soo afjaraan musalsalka ku aadan kooxda Dekedda oo saddex sano isku xigto ku guuleysaneysay horyaalka.

Naadiga Elman ayaa sanadkan damacsan iney hanato horyaalka iyado isha ku heesa kooxaha kale ee ku soo xiga halka Dekedda ay rabto iney markii afaraad oo xiriir ah ay ku guuleysato horyaalka Somali Premier League.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Shantii kulankii ugu dambeysay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka Somali Premier League labo kamid ah waxaa badisay Dekedda sido kale Elman ayaa labo ciyaar adkaatay halka kulanka kale ay bar baro ku kala baxeyn labada dhinac.

Naadiga Elman kulankii ugu dambeyay waxey cashar lama ilaawan u soo dhigtay kooxda kubadda cagta Horseed kadib markii ay ugu adkaatay 3-2, ciyaar dhacday 05-2-2020.

Difaacyasha Horyaalka Somali Premier League ee Dekedda fc kulankii ugu dambeyay waxey la soo kulantay guuldaradii ugu horeysay horyaalka iyo tii ugu xumeed ee horyaalka ka soo gaartay saddexdii sano ee la soo dhaafay, kadib markii ay kooxda Mogdisho CIty Club ay ugu awood sheegatay 5-0. kulan ciyaareed dhacay 4-02-2020.

Wiilasha Elman waa kooxda kaliya aan wali laga adkaan tani iyo markii daaha laga qaaday horyaalka Somali Premier League, galabtana waxey dheeleysa kulankii 8-aad ee horyaalka.

Naadiga Elman Sports Club kulanka galabta waxaa ka maqnaan doona saddex xidig oo kala ah Seyga Ruushka, Cumar Kata iyo Jamaal, dhamaanto waxey ku maqan yihiin kaarar jaalo ee kala duwan.

Naadiga Dekedda kulanka galabta waxaa dib ugu soo laaban doona xidigeeda Idiris Aamiin,kaas oo dhaawac ugu maqnaa Kooxdiisa kulamadii ugu dambeyay ay dheesho.

Is Araga Labada Kooxod Shantii kulan ee ugu dambeysay.

07/03/2019 Dekedda SC 1 : 0 Elman FC.

15/06/2019 Elman FC 2 : 0 Dekedda SC.

05/02/2018 Dekedda SC 1 : 0 Elman FC.

05/04/2018 Elman FC 3 : 0 Dekedda SC.

03/03/2017 Dekedda SC 0 : 0 Elman FC.

Kooxaha: Elman Sports Club Vs Dekedda Football Club
Garoonka: Eng Yariisow Stadium
Saacada:3:30

W/Q:Cabdifitaax Nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com