Hordhaca: Dekedda SC Vs Elman FC -Wax Ka Ogoow Kulanka ugu weyn isbuuca

kooxda kubbadda cagta Elman-Sports Club ayaa soo dhawaynaysa xidigaha xafidanaya horyaalka Somalia Premier League ee Dekedaha Football Club.

kooxda Elman-Sports Club kulankii u danbeeyay horyaalka Somalia Premier League waxa ay guul weyn ka garen dhigooda Gaadiidka waxayna ugu adkaadeen 3-1 waxaana Elman goolashaas u dhaliyay laacib Maxamed Cusmaan Nuur.

kooxda xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League labadii sano laso o dhaafay ee Dekedaha Football Club iyagana ciyaartii u danbeeyay horyaalka waxa ay 1-0 kaga badiyeen wiilasha Midnimo waxaana goolkaa u dhaliyay xirfadyahan Abdi Aziiz Catoosh.

Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor
-Daadir Amiin Ali iyo Idiris Amiin Ali ayaa iska hor imaanaya,iyagoo kala tirsan kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Dekedda,inkastoo Daadir Amiin Ali oo horay ugu yimid walaalkiis Idiris Amiin Ali,isagoo kabtan u ahaa kooxda dowladda hoose ee Mogadishu City Club .

-Cumar Suleymaan Sheekh,Cabdiqaadir Siidow Cali iyo Jamaal Cabdiraxmaan Axmed oo iminka ka tirsan kooxda jaalayaasha ee Elman ayaa ka mid ahaa laacibintii naadiga Dekedda kula soo guulaystay horyaalka Somalia Prmier Leage,iyagoo markan ka hortagaya kooxdii hore.

-Yusuf Ali Nuur Yuuali ayaa isna ka hortagaya kooxdiisii hore Elman,isagoo u soo dheelay macallin uso noqday,tababare Yuu Elman-Sports Club saddex jeer ayuu kula guulaystay horyaalka,isagoo ciyaaryahan,balse waqtigigiisii macallinimo ee Elman waxa uu qaaday labo horyaal iyo Super-Cup.

Is Aragii U Danbeeyay Labada Dhinac

07/03/2019 Dekedda SC 1:0 Elman FC
05/02/2018 Dekedda SC 1: 0 Elman FC
05/04/2018 Elman FC 3:0 Dekedda SC
03/03/2017 Dekedda SC 0:0 Elman FC
01/02/2016 Elman FC 0:1 Dekedda SC
26/04/2016 Dekedda SC 3:0 Elman FC
29/12/2014 Elman FC 1:1 Dekedda SC
27/03/2015 Dekedda SC 2:0 Elman FC
18/06/2012 Elman FC 4:0 Dekedda SC
08/10/2012 Dekedda SC 2:3 Elman FC

Tartanka-Horyaalka Somalia Premier League
Kooxaha-Elman Sports Club VS Dekedda

Saacada:-3:45pm
Garoonka-Banaadir Stadium

W/Q: Maxamed Xuseen Qalinle