Hordhaca: Dekedda Vs Rajo Fc Wareega Sideed Dhamaadka Tartanka General Daa;uud

kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhici doona garoonka Banadir Stadium kaa oo u dhaxeeya kooxaha Dekedda iyo Rajo Fc, Cayaartan ayaa qeyb ka ah tartanka General Daa’uud wareega Sideed Dhamaadka.

Tartanka General Daa’uud ayaa si xiiso leh ugu socda caasimada Magaalada Muqdisho wuxuuna soo gaaray heerkii ugu xiisaha badan, maalintii shaley ayaa la ciyaaray kulankii ugu horeyay wareega sideed dhamaadka waxaa iminka fadhisa afar dhamaadka kooxda Horseed.

Kooxda kubadda cagta Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey bar baro 1-1 la soo gashay naadiga Banadir Sports club Halka Wiilasha Rajo Fc Guul Daro kala soo kulmeyn kooxda Geeska Africa.

Labadan kooxod midkii soo badiyay wuxuu ku dhici doona kooxda Horseed oo mar hore jaratay tikitka Wareega afar dhamaadka tartankan.

Tartanka: General Daa’uud

Kooxaha: Dekedda Fc Vs Rajo Fc

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

W/Q:Cabdifitaax Nani