Hordhaca: Dortmund vs Tottenham-Dortmund oo ku rajo weyn in ay garacaan …

kooxda kubada cagta ee Dortmund ayaa garoonkeeda ku soo dhaween doonta naadiga Tottenham kulan ka tirsaan wareega 16-ka .ee champions league.

Kooxda Tottenham ayaa soo adkaatay kulankii lugtii koowaad waxa ayna ku soo adkaadeen tiro 3-0  . Dortmund waxaa qasab ku ah in ay guul la timaado balse waxaa dhib u keeni kara in markale Tottenham gool ku dhaliso garoonkooda oo xaalada ku sii adkeen karta .

Dortmund ayaa soo dhaween doonta kabtankooda  Marco Reus kaas oo seegay lugtii koowaad oo lagu ciyaaray gudaha England waxa uuna qabay dhaawac .

Lukasz Piszczek  waa xiddiga kaliya ee ka maqan kooxda martida loo yahay oo maanka ku heysata in 3-0 lowga soo adkaaday kulankii lugtii hore , waxaana qasab ku ah in ay guul ay gaarto .

Paco Alcacer oo dhalieyeu gool isaga oo badal ku soo galay ciyaartii dhamaadkii asbuucii hore ayaa markan rajeenaya in uu ku soo bilowdo kulanka waxaana booskaas ka bixi doono Jacob Bruun Larsen.

Mauricio Pochettino ayaa dhakeysan doona warka ugu dambeeya ee ka soo baxa xaalda caafimaad ee Victor Wanyama kaas oo dhaawac fudud uu soo gaaray kulan ciyaareedkii ay wajaheen kooxda  Arsenal bilowgii asbuucan .