Hordhaca: Espanyol Vs Real Madrid – Wax walba aad ugu baahan tahay kulanka adag

Kooxda Real Madrid ayaa mariti u noqon doonta garoonka RCDE Stadium oo ay kula cayaari doonto Naadiga  Espanyol kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyada oo u muuqata mid dib u heshay qaab ciyaareed wanagsan .

Naadiga Los Blancos ayaa isha ku haysa in ay gaarto guusheedii 3-aad oo xiriir ah horyaalka La Liga 

Sidoo kale Espanyol ayaa isha ku haysa in ay qabato  Real Madrid si ay ugu soo laabato wadada guulaha kadib guuldarooyin  faraban soo wajahay.

Tartanka: La Liga

Saacada: 10:45 Habeenimo

Garoonka: RCDE Stadium

Shaxda Macquulka ah ee labada Kooxood :

Espanyol: Diego Lopez; J Lopez, Hermoso, Naldo, Vila; Granero, Sanchez, Roca; Puado, Baptistao, Melendo

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Llorente, Kroos, Modric; Vinicius, Benzema, Lucas