Hordhaca: Frankfurt VS Chelsea – wareega afar dhamaadka tartanka Europa League

Kooxda Frankfurt ee dalka Germany ayaa caawa soo dhawayneso naadiga Chelsea kulanka lugta koowaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Europa League.

Kooxda Frankfurt waxay dib u soo dhaweyn doontaa Evan Ndicka oo ganaax ku maqanaa, lakiin haatan waxa ay lumiyeen Ante Rebic oo qaadan doona ganaax hal kulan ah.

Sebastien Haller ayaan ciyaarin bishii hore oo dhan sababo dhaawac muruqa caloosha ah waxaana laga yaabaa inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan..

Antonio Rudiger ayay u badan tahay inuusan dib dambe u ciyaari doonin inta ka harsan xilli ciyaareedkan ka dib markii uu dhaawac labaad jilibka ka soo gaaray kulankii isbuucaan.

Willian ayaa sidoo kale dhaawac ka soo gaaray kulankii Manchester United, laakiin waxaa la filayaa in uu qeeb ka noqdo safka kulanka caawa.

Xidigaha kala ah Ruben Loftus-Cheek ama Ross Barkley ayaa badalaya midkood Mateo Kovacic oo ku soo bilowday kulankii Horyaalka halka Pedro iyo Olivier Giroud ay sidoo kale rajeynayaan inay kusoo bilowdaan safka koowaad.

Kooxaha: Frankfurt VS Chelsea

Garoonka : Commerzbank Arena

Saacada : 10:00

Garsooraha : Carlos del Cerro