Hordhaca: Kulanka Dhaxmari Doona Kooxaha Muqdisho City Club iyo Malindi Sports Club

Kooxda Kubadda cagta Muqdisho City Club ayaa maanta dheeli doonta kulankeeda 2-aad ee tartanka Caf Confedration Cup xili ay wajaheyso kooxda dalka Zanzibar ee Malindi Sports Club.

Labadan kooxod kulankii hore waxey soo galeyn bar baro goolal la’aan balse kooxda Muqdisho City Club waxey soo bandhigeyn ciyaar aad u heer sareyso oo ay ku qancan taageerayasha kulankas u soo daawasho tagay.

Naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa u baahan kulanka Galabta inay Badiso ama Barbaro Goolal ah la gasho kooxda Malindi SC taasi u horseedi karta Kooxda MCC inay usoo gudubto Wareega Xiga ee Tartankan CAF Confederation Cup.

MCC ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee ka socota Somalia oo ka qeybgasha Tartankan kaasoo 2004 loo bixiyay magacan CAF Confederation Cup , waxaana magicii hore la oran jiray African Cup Winners’ Cup.

Maalmihii ugu dambeyay waxey tababar adag ku qaadanayen wadanka Zanzibar iyado raba iney meel wanaagsan ka gaaran tartanka Caf Confedration Cup.

Dhamaan xidigaha kooxda muqdisho city Club waa kuwa u diyaarsan iney ka hortagan wiilasha Malindi Sports CTartanka- CAF Confederation Cup
Kooxaha-Malindi SC vs Mogadishu City Club
Saacada:-4:00pm

W/Q:Cabdifitaax Nani