Hordhaca:Leicester City Vs Arsenal-Leicester City ayaa badisay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League

Koxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta Naadiga wacdaraha dhigaysa ee Leicester City kulan ka dhici doona garoonka King Power Staduim kana tirsan  horyaalka premier League.

Arsenal oo uu xaalku ku xun yahay ayaa kulanka u soo galaysa in ay gaarto guusheedii ugu horaysay tan ilaa kulankii Kooxda Bournemouth ee horyaalka premier League.

Sidoo kale Leicester City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed heer sare ah xilli ciyaareedkan waliba badiyay kulamadeeda tan ilaa markii ay guuldarada wakhtiga dambe ah kala kulmeen Liverpool.

Saacada: 08:30 Fiidnimo

Garoonka:King Power