Hordhaca: Liverpool vs Watford – liverpool Oo Heysta Fursad Ay Kaga Soo Kabtaan Guuldaradii ….

Liverpool ayaa dooneysa inay kasoo kabato niyadjabkii kasoo gaaray Manchester United markii ay soo dhaweyneyso caawa kooxda Watford kulan katirsan Premier League.

Watford ayaa sidoo kale guul darro kasoo gaartay todobaadkii hore kooxda Arsenal oo 3-0 kaga badisay

Kooxda Javi Gracia ayaa u baahan in ay kusoo laabato wadad guusha xili kaliya sideed kulan uu ka harsan yhay horyaalka

GAROONKA: Anfield

SAACADA: 8: 30 PM

MAXAA CUSUB?
Klopp ayaa kusoo celin doona line-upkiisa Jordan Henderson ka dib markii kabtanka kooxda Liverpool uu kursiga keydka fadhiyay kulankii United.

Georginio Wijnaldum iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa loogu yeeray khadka dhaxe ee kooxda Liverpool.

Trent Alexander-Arnold iyo Dejan Lovren oo qaab ciyaareed wanaagsan ka sameeyay kulankii Manchester United ayaa la fariisin karaa caawa, iyadoo Joe Gomez iyo Joel Matip dib ay ugu soo laaban karaa shaxda Reds.

Loris Karius ayaa noqday goolhayaha dooqa koowaad ee Liverpool ayaa markale kusoo laaban kara goolka Liverpool

Tom Cleverley iyo Gerard Deulofeu ayaa weli ka maqan shaxda tababare Gracia, iyadoo Kiko Femenia garabka midig kusoo laaban karo.

XAQIIQADA KULANKA
Liverpool ayaa badisay sagaal jeer 10 kulan oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxda Watford, waxaana laga badiyay kaliya hal jeer oo kamid ah 10kaas booqasho.

The Hornets ayaa laga badiyay 16 ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti u ahaayeen afarta koox ee ugu sareysa horyaalka.

Sideed gool oo ka mid ah sagaal gool oo ay Watford ka dhalisay Premier League asannadka 2018 waxay yimaadeen qeybta dambe ee c iyaarta.

SAFAFKA MACQUULKA AH
Liverpool:Karius; Gomez, Matip, Van Dijk, Robertson; Oxlade-Chamberlain, Henderson, Can; Mane, Salah, Firmino

Watford:Karnezis; Janmaat, Mariappa, Prodl, Holebas; Capoue, Doucoure; Richarlison, Pereyra, Femenia, Deeney

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com