Hordhaca: Napoli vs Arsenal – kulan katirsan wareega sideed dhamaadka tartanka Europe League

Kooxda kubada cagta ee Napoli ayaa caawa kulan xiiso badan ku soo dhaweeneysa garoonkeeda San Paolo Naadiga Arsenal oo guul 2-0 ah gaartay kulankii lugta hore ee wareega sideed dhamaadka tartanka Europe League.

Napoli waxaa wali safkooda ka mqnaan doono ciyaartoyda kala ah Raul Albiol iyo Amadou Diawara xili ay doonayaan inay ka soo laabtaan guul daradii lugta hore ee 2-0.

Arkadiusz Milik ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulankan madaama Dries Mertens uu ciyaaray kulankii lugtii hore misane wax sameen ah uusan Ku yeelan kulankaas.

Kevin Malcuit ayaa rajeynaya inuu ka soo bilowdo kulanka Gunners ka dib markii Elseid Hysaj uu ku soo bilowday daafaca midig ciyaartii ka dhacday Emirates.

Dhinaca kale Kooxda Arsenal waxa ay dib u helayaan Granit Xhaka oo kasoo laabtay dhaawac waxa uuna ciyaaray kulankii Isniinta ee ay 1-0 kaga badiyeen Watford.

Kooxaha: Napili VS Arsenal

Garoonka : San Paolo

Saacada : 10:00

Garsoorha : Ovidiu Hategan