Hordhaca: Zimbabwe Vs Somalia-Xulka Somalia Oo Taariikh Kale Isha Ku Haya Oo Cajiib Ah

Xulka qaranka Somalia ayaa ka yaabsaday Zimbabwe kadib markii ay ka gaareen guushoodii Abid ugu horaysay ee is reeb-reebka koobka Adduunka iyaga oo haatan doonaya in ay sameeyaan taariikh kale.

Guushii uu xulka Somalia ka gaaray xulka Zimbabwe ayaa ah lama filaankii ay dadka oo dhan hadal hayeen maalmihii la soo dhaafay marka loo eego in xulka ka mid ah xulalka ugu qiimaha sareeya ay guuldaro kala kulmeen xulka ugu qiimaha sareeya kulan ka tirsan lugta 1-aad ee is reeb-reebka koobka adduunka xilli Somali gaartay guushoodii ugu horaysay ee Abid ay ka gaareen is reeb-reebka koobka adduunka.

Kulanka ayaa ka dhici doona garoonka National Sports Stadium ee ku yaala caasimada Harare xilli uu xulka qaranka Somalia isha ku hayo in uu iska xaadiriyo wareega Weyn ee is reeb-reebka koobka adduunka.

Garoonka: National Sports Stadium

Saacada: 4:00 Galabnimo Ee Wakhtiga Somalia