Hordhaca:Atletico Madrid Vs Barcelona- Atletico Madrid ayaa bilaa guul ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay kooxda Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan todobaadkii 15-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Wanda Metropolitano

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan kaalinta 1-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga kaas oo ay haatan Real Madrid kali ku tahay.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa doonaysa in ay ku sii jirto tartanka Horyaalka La Liga waliba dhibcaha ku riibato garoonkeeda Wanda Metropolitano.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Griezmann ayaa markii ugu horaysay ka hor tagi doona kooxdiisii hore oo uu kaga hor tagi doono garoonkiisii hore.
Hordhaca: Atletico Madrid Vs Barcelona

Saacada: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Wanda Metropolitano

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com