Hordhaca:Barcelona Vs Rayo Vallecan-Barca oo Doonaysa In Ay Guul Isugu Diyaariso Champions League

Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa marti galin doonta naadiga Rayo Vallecano kulan ka tirsan horyaalka La Liga  kaa uu ka  dhici doona garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul ka soo gaartay naadiga Real Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa 7 dhibcood ku haysa hogaanka horyaalka La Liga iyaga oo ka horeeya kooxda kaalinta 2-aad ee Atletico Madrid.

Dhanka kale kooxda Rayo Vallecano ayaa ku jirta kaalinta 19-aad iyada oo kaliya 23 dhibcood ka heshay 26-kii kulan ee ay ciyaartay.

Tartanka: Barcelona Vs Rayo Vallecano

Tartanka: La Liga

Saacada: 8:30 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou