Hordhaca:Chelsea Vs Bayern Munich- Blues iyoMunich isaga hor yimaadeen champions League ayaa ahayd Finalkii tartanka ee 2012

Kooxda Chelsea ayaa marti galinaysa naadiga Bayern Munich kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League Kana dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Naadiga Blues ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay kulanka guul ka gaaraan si ay kulanka lugta dambe fursad fiican ugu helaan in ay iska xaadiriyaan wareega xiga.

Sidoo kale Kooxda Bayern Munich ayaa isha ku haysa in ay natiijo wax ku ool ah kala baxdo kulanka ka hor inta ayna Chelsea la tagin garoonkeeda Allianz Arena.

Markii ugu dambaysay ee ay Chelsea iyo Bayern Munich isaga hor yimaadeen champions League ayaa ahayd Finalkii tartanka ee 2012 kulan ka dhacay Allianz Arena Chelsea ayaana rikoodhayaal 4/3 ah ku badisay kadib makrii ay ciyaartu ku dhamaatay 1/1.

4 kulan oo hore oo ay tartamada oo dhan wada ciyaareen kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea ayaa laga dhaliyay 17 gool.

Chelsea ayaa gaadhay wareega bug baxa 14 ka mid ah 17-kii sano ee ugu dambeeyay tan ilaa 2003/2004 kaliya kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Bayern Munich ayaa Blues kaga badan gaadhista wareegaas laakiin Blues ayan dhaalin wareega 16-ka tan ilaa 2013/2014.

Hordhaca :Chelsea Vs Bayern Munich

Saacada: 11:00

Garoonka: Stamford Bridge

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com