Hordhaca:Chelsea vs Newcastle -Blues-ka oo u soo galaysa sidii ay u gaari lahayd guul

Chelsea ayaa marti galineysa kooxda Newcastle kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Naadiga Blue-ka  ayaa natiijooyin fiicneen kulamadii u dambeeyay ee horyaalka  premier league waxayna doonaysaa   iney xajistaan kaalinta afaraad ee horyaalka premier league

Tartanka: Premier League

Saacada: 08:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Chris Kavanagh

Garoonka:  Stamford Bridge

Xaqiiqoyinka kooxaha:

Xiddiga Alvaro Morata ayaa shaki ku jiraa kulankan , kaddib markii uu seegay cayaartii afar dhammaadka League Cup ay Talaadadii la cayaareen Tottenham sababo la xariira dhibaato  muruqa ah.

Ruben Loftus-Cheek ayaa ku maqan dhaawac dhabarka ah, halka Cesc Fabregas uu kooxda katay kaddib markii uu si ramsi ah kaga mid noqday naadiga Monaco

Xiddiga  Newcastle ee Kenedy ayaa xaq u laheyn inuu wajaho naadiga milkiyadiisa leh.

Jonjo Shelvey, Paul Dummett iyo Karl Darlow ayaa dhammaantood dhaawac ah laakiin Federico Fernandez iyo Ciaran Clark waa kuwa taam ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com