Hordhaca:Dekedda Vs Horseed- Labadan Kooxod Oo Raadinaya Guushii Ugu Horeysay Tartanka General Daa’uud Iyo Xogta Kulanka

Kooxaha Dekedda fc iyo Horseed ayaa galabta ku balansan garoonka Eng Yariisow Stadium ciyaar ka tirsan Koobka General Daa’uud ee fasal ciyaareedkan.

Kulankan ayaa ah mid ah mid aad u xiiso badan maadama ay labadan kooxod ay yihiin kuwa isku xifaaliya kubadda cagta si lamid ah sanadkii la soo dhaafay horyaalka aye isku heesten inkasto ay kooxda Dekedda ku guuleysatay horyaalka.

Kooxda Horseed sanadkii la soo dhaafay ayee iska xaadirisay finaalka koobka General Daa’uud xili laga gacan maroojiyay waxaana ka qaaday kooxda Muqdisho City Club.

XOGTA KULANKAN:

Kulankii ugu dambeyay ay labadan kooxod Horseed iyo Dekedda isku arkan tartanka xiisaha badan ee koobka general Daa’uud waxaa soo adkaatay naadiga cawo iyo maalin xili rigooroyin 5-4 ku adkaatay Horseed, ciyaar markaas ku dhamaatay 1-1 waqtiga caadiga aheyd.

Dekedda oo ku taameyso iney ka aar gudato kooxda Horseed iyado wali xasuusato kulankii ay gacmaha Horseed ugu baxeyn tartanka general daa’uud sanad ciyaareedkii la soo dhaafay.

Wiilasha Yuu Cali ee Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey qasaaro 1-0 kala soo kulameyn kooxda Muqdisho City Club, waxeyna shiishka saarayan iney helan saddexdii dhibcood ugu horeysay tartanka General Daa’uud sanadkan.

Sido kale Dekedda hadii ay guuldaro kala kulanto kooxda Horseed waxaa dhamaneysa rajada ay ka la haayen u soo bixitaanka wareega xiga ee General Daa’uud, waa in ay awoododa iskugu keeyan si ay guul ugu heli lahaayen Horseed.

Naadiga Horseed kulankii ugu dambeyay waxey bar baro goolal la’aan la soo gashay kooxda Elman, taas oo ka dhigan iney leedhahay hal dhibcood oo qura.

Afartii kulan ee ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa mid kamid ah badisay naadiga Horseed halka Saddexda kulan ee kale ay ku kala baxeyn bar baro.

Tababare yuu Cali ayaa ku tumaaya inuu kula guuleysto kooxda Dekedda koobka general Daa’uud markii ugu horeysay halka Tababare Cabdijoon uu markii ugu dambeysay gacanta u soo galiyay kooxda Elman.

Dekedda kulan ciyaareedka galabta waxaa kaarka roosaha ugu maqnaanaya xidigaha kala ah Cabdiwali Aawali iyo Zakariye.

WAJIYADA GALABTA ISKA HOR IMAAN DOONA:

Xidigaha kala ah Xasan Afgooye, Cabdulaahi Cali Bile iyo hogaamiye Cabdi Joon ayaa galabta ka hor imaan doonan kooxdoodii hore ee Dekedda iyago iminka difaacaya maaliyada Horseed.

Dhanka Horseed waxaa galabta ka soo hor jeesan doonan xidigaheedii hore sida Cabdicasiis Catoosh, Cabaas Aamiin Maxamed , kuwaan waxey u soo ciyaareyn kooxda Horseed.

Tartanka: Koobka General Daa’uud
Kooxaha: Dekedda Fc VS Horseed fc
Garoonka: Eng Yariisow Stadium
Saacada: 3:30

W/ Q:Candifitaax Nani