Hordhaca:Dynamo Kyiv VS Chelsea kulan ka tirsan Wareega 8-aad dhaamaadka ee Europa League

Kooxda Chelsea oo guul muhiim ah ku soo gaartay garoonkeeda Stamford Bridge lugtii koowaad ee wareega 16-ka ee tartanka Europe League ayaa markan caawa kula ciyaari doonta kooxda  Dynamo Kyiv garoonkooda kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka .

Kooxda Bules ayaa guul 3-0 ku soo xaaqday Dynamo Kyiv  lugtii hore wax ayna u muuqtaa in Chelsea hal  lug la sii gashay u gudibada wareega xiga ee sided dhamaadka tartanka Europe League .

Kooxaha : Dynamo Kyiv VS Chelsea (UEFA Europa League).

Garoonka  : Stadion NSK Olimpiyski

Saacada : 8:55 geeska afrika 

Garsooraha : Tobias Stieler (Germany)