Hordhaca:Horseed Vs Heegan- Wiilasha Horseed Oo Raba Iney Dib Ula Wareegan Hogaanka Horyaalka.

Kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhici doona garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis kaa uu u dhaxeeya kooxaha Heegan iyo Horseed waana kullan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kullankan ayaa logu magac daray kullanka ciidanka (Derby Of Army ) waana kullankii 32-aad ee laga ciyaarayo horyaalka fasal ciyaareedkan 2017-18.

WARARKA LABADA KOOXOD:

Heegan wax walwal dhaawac ah ma qabto marka laga reebo xidigeeda Khadka dhexe ee Mahad Yare kaa uu dhaawac jilibka ugu maqan kooxda.

Naadiga Horseed ma jiro xidig dhaawac ugu maqan kullankan marka laga reebo kabtankeeda Fu’aad kaa uu waqti dheer garoomada ka maqnaan doona.

XAQIIQDA KULLANKA:

kooxda Ciidanka Militariga ee Horseed Kullankii ugu dambeyay waxey bar baro la soo gashay naadiga Dekedda kulanciyaareed dhacay 26-02-18.

Wiilasha Ciidanka Booliska ee Heegan ciyaartii ugu dambeysay waxey la soo kullantay guul daro xanuun badan waxey kala kulmeyn dhigeeda Jeenyo kadib markii lagu awood sheegtay 1-0, ciyaar dhacday 28-02-18.

kooxda Horseed ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka iyado soo ciyaartay 6-kullan waxey soo adkaatay 4-ciyaar halka ay bar baro soo gashay 2-kullan ilaa haatan wax guul daro lama kulmeyn, waxeyna heesata 14- dhibcood.

Heegan ayaa fadhisa kaalinta 3-aad ee horyaalka iyado soo dheeshay 6-kulan, waxey soo guuleysatay 3-ciyaar sido kale waxey bar baro soo gashay 2- kulan, halka laga badiyay hal ciyaar waxaana ka badisay naadiga Jeenyo, kooxdan waxey leedhahay 11-dhibcood.

Lixdii kullankii ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa 3- kamid ah badisay kooxda Heegan sido kale Horseed ayaa adkaatay 2-kulan halka ay bar baro galeyn hal kulan.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

24/02/2017 Horseed S.C 2 : 1 Heegan S.C
05/01/2016 Heegan S.C 2 : 2 Horseed S.C
11/03/2016 Horseed S.C 1 : 2 Heegan S.C
26/12/2014 Heegan S.C 4 : 0 Horseed S.C
26/03/2015 Horseed S.C 1 : 0 Heegan S.C
31/01/2014 Heegan S.C 3 : 0 Horseed S.C

Tartanka: Somali Premier League 2017-18
Kooxaha: Heegan Vs Horseed
Magaca: Derby Of Army
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30

W\Q:Cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com