Hordhaca:Liverpool Vs Atletico Madrid-Reds ayaan waligeed guuldaro kala kulmin Atletico Madrid kulan ka dhacay Anfield

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta Naadiga Atletico Madrid kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League kulan ka dhici doona garoonka Anfield.

Kooxda Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u baahan in ay ka soo kabsadaan guuldaro Atletico ka soo gaadhay lugtii hore hadii ay doonayaan in ay wareega xiga u gudbaan.

Liverpool oo Anfield mucjiso ku ah marka la joogo kulamada champions League ayaa mar kale doonaysa in ay Koox reer Spain ah wacdaro ku dhigto iskana xaadiriso wareega 8 dhamaadka.

Sidoo kale Atletico Madrid ayaa kulanka u soo galaysa in ay dhaliyaan kaliya hal gool si ay xaalka ugu xumeeyaan kooxda Liverpool soo bixistana ugaga dhigaan mid aan suurtagal ahayn.

Liverpool Vs Atletico Madrid

Saacada: 11:00

Garoonka: Anfield

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com