Hordhaca:Man City Vs Chelsea- Kulanka Xiisaha Leh Ee Ka Dhici Doona Etihad Stadium

Kooxda Man City ayaa soo dhawayn doonta naadiga chelsea kulanka ka tirsan Horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Etihad.

Man City ayaa kulanka u soo galaysa iyaga o isha ku haya in ay ku soo laabtaan hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay Liverpool kala wareegtay.

Sidoo kale Chelsea ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato kaalinta 4-aad kadib markii ay Man United kala wareegtay kadib guushii Fulham

Kulanka: Man City Vs Chelsea
Tartanka: Premier League
Saacada: 7:00 Fiidnimo

Garoonka: Etihad Stadium