Hordhaca:Manchester City Vs Schalke Citizens Oo Iska Ilaalinaysa Lama Filanka Ka Dhaca Haatan Champions League

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta Naadiga Schalke kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo haatanba hal lug lasii gashay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Dhinaca kale kooxda Schalke ayaa isku dayi doonta in ay samayso mucjisadii ay sameeyeen kooxaha Ajax iyo Man United kuna reebeen kooxaha Real Madrid iyo PSG.

Kooxaha:Man City Vs Schalke

Tartanka: Champions League

Saacada: 11:00 Habeenimo

Garoonka:Etihad Stadium