Hordhaca:Norwich Vs Liverpool- Reds ayaa badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Norwich ku booqatay horyaalka Premier League

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqonaysa Norwich City kulan ka tirsan horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Carrow Road.

Kooxda Reds ayaa kulanka soo galaysa kadib fasax fiican oo ay soo qaateen iyaga oo isku diyaarinaya in ay ku sii dhawaadaan ku guulaysiga horyaalka premier League.

Liverpool sidoo kale doonaysa ishana ku haysa dhigista ama jabinta rikoodhayaal ka yaala premier League xilli ay doonayso in ay sii wadato guulaha premier League.

Sidoo  kale Norwich ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u dagaalamaya sidii ay u sii joogi lahaayeen horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Hordhaca: Norwich City Vs Liverpool

Saacada:8:30

Garoonka: Carrow Road

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com