Hordhaca:Sheffield United Vs Arsenal-Sheffield United United ayaa guuldaro la kulantay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay

Kooxda Arsenal ayaa booqan doonta Sheffield United kulan ka tirsan horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Bramall Lane kana tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League.

Gunners ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ay caqabad weyn ka haysato magaalada Sheffield waliba aan guul ku gaadhin muddo 21 sano ah horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan kaalinta 3-aad ee kala saraynta ee horyaalka premier League.

Saacada: 10:00 

Garoonka: Bramall Lane