Hordhaca:Wolves Vs Man United-Wolves Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Guul ka Gaarto Red Devils

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Wolves kulan ka tirsan 8 Dhamaadka tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona garoonka Molineux Stadium.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo si aad ah u doonaya in ay gaadhaan guul si ay ugu soo laabtaan wadada saxda ah kadib guuldaradii Arsenal.

Dhanka kale Wolves oo xilli ciyaareedkan dhuunta u gashay kooxihii waa weyn ee ayaa doonaysa in ay Man United ka reebto tartanka  FA Cup-ka.

Kulanka: Wolves Vs Man United

Tartanka: FA Cup

Saacada: 10:55 Habeenimo

Garoonk: Molineux Stadium