Hordhac: Bayern Munich Vs Liverpool- Bayern Oo U Soo bixi karta Wareega Marka Xiga Taariikhda La fiiriyo

Naadiyaasha Bayern Munich iyo Liverpool ayaa Kulan xiiso leh dhex mari doona kaas oo ka tirsan lugtii 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Labada Kooxood ayaa kulanka u soo galay iyaga oo u siman u soo bixisata wareega 8 dhamaadka marka loo eego in ay kulankii hore ku kala bexeen bar-baro dhac goolal la,aan ah.

Kooxda Bayern Munich ayaa ku soo baxda guul kasta halka bar-baro gool la,aan ahna ay rikoorayaal gaari doonto si ay labada kooxood ugu kala baxaan.

Sidoo kale Liverpool ayaa u soo baxda guul kasta iyo waliba bar-baro walba oo aan ahayn 0-0 oo ay markii hore labada kooxdoo ku soo kala bexeen.