Hordhac:Tottenham Vs Man United- Ma Ka Aar Gudan Doontaa Spurs

Kulanka aadka u xiisaha badan horyaalka premier League ayuu dhex mari doonaa kooxaha Tottenham iyo Man United kulan ka dhici doona garoonka Wembelye stadium.
Tottenham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guushoodii 7-aad 8-dii kulan ee ugu dambeaysay ee horyaalka premier League.

Sidoo kale kooxda Man United ayaa isha ku haya guushoodii 5-aad oo xiriir ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Tottenham Vs Man United

Tartanka: Premier League

Saacada: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tottenham ayaa noqonaysa kooxdii ugu horaysay tan ilaa Everton sanadkii 1987 ee 4 guulood oo xiriir ah ka gaadha Man United.

Harry Kane iyo Lucas Moura ayaa laga yaabaa inay noqdaan ciyaartoyda seddexaad iyo afaraad ee Man United gool ka dhaliya Minin iyo Marti xilli ciyaareed kaliya.

Man United ayaa isha ku haysa in ay horumariso rikoodhkooda kooxaha reer London ee garoonkooda kadib markii ay kaliya guul gaadha 4 kulan 17-kii kulan ee ay booqatay caasimada.