Horseed Oo Guul Kusoo Xertay Horyaalka Kana Yaabsatay Dhigeeda Elman.

Kooxda kubbadda cagta Horseed ayaa kusoo geba gabeesay Wareega kowaad horyaalka Somali Premier League kulan cayaareedka 2017-2018 waxayna 2-0 ku dharbaaxday dhigeeda Elman.

Kulan cayaareedka qeybta hore waxaa lagu maray 2-0 oo ay hogaan ku hayaan wiilasha oo hogaamiyo Macalin Cumar Caruus ee Horseed waxaana Daqiiqadii 3-aad goolka 1-aad u bilaaway Bakar Cabdullahi Aadan,sila Bakar kubbadda uu kusoo ruuray diilinta koornada waxaa gool u balday Daqiiqadii 7-aad Frank Wananda oo (No.15) u qaata kooxda Horseed.

Markii leysku soo laabtay qeyta dambe kulanka labada koox ayaa soo bandhigay cayaar ku dheehan fursad,balse waxa uu kulanka kusoo idlaaday 2-0 oo ay ku badiyeen wiilasha Horseed,iyagoo hogaanka kula midbooday kooxda horyaalka xafidanaysa ee Dekedda

Kulanka waxaa dhex dhexaadiye ka ahaa Garsoore Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Calanhayaha 1-aad waxa uu Mahad Maxamed Maxamuud,Calanhayaha 2-aad waxa uu ahaa Xasan Xuseen Macow,halka garsooraha afaraad uu ahaa Garsoore Najiib Cawil Xasan

Maxaa Laga Diiwaan Geliyay Kulanka
Kooxda kubbadda cagta Horseed ayaa guul soo xertay kulankeedii 9-aad Wareega kowaad horyaalka Somali Premier fasal ciyaareedkii 2017-2018 waxayna 2-0 kaga adkaaday Elman

Naadiga Elman wareega kowaad horyaalka Somali Premier League dhamaan kulamada ay wajahday kooxaha waaweyn waxa ay kala kulantay guul daro marka laga reebo L.L.P Jeenyo oo ay isla dhaafi waayeen barbaro 2-2

Xirfadyahan Abuukar Cabdullahi Aadan ayaa kooxdiisa Horseed u ansixiyay goolkiisii kowaad horyaalka Somali Premier League tan iyo kol ciyareedkii hore 2016-2017

Kooxda kubbadda cagta Horseed sagaalkii kulan ugu horeeyay horyaalka wajiga kowaad lama kulmin waxa guul daro ah waxa ay badisay 6-kulan waxa ay barbaro gashay 3-kulan waxay dhalisay 14-gool,iyadoo Wareega kowaad aruurstay 21-dhibcooda waxaana sidaas la wadaagta kooxda horyaalka Somali Premier Leagu xafidanaysa ee Dekedda

Laciibintii hore kooxda Jeenyo ee kala ah Maxamud Mayman,C/qaadir Daandii,C/qaadir Shariif Niinje,Anwar Sayid Cali oo kawada tirsan Elman ayaa ka horyimid xidigaha kala ah Xasan Cabadi Nuur (Xasaasi) iyo goolahaye Xasan Cabdullahi Karaam oo iyagan ka tirsan Horseed waxayna dhamaan xirfadlyaasha waqti wanaagsan kusoo wada qaateyn naadiga L.L.P Jeenyo

Tababare Cabdi Joon oo layliya Elman ayaa guul daradii ugu horeesay kala kulmay kooxdiisii hore Horseed tan iyo kol cayaareedkii 2014 waxa uu ka haystay rikoor wanaagsan oo xaga Natiijooyinka horyaalka inkastoo Macalin Joon oo hogaaminayay waqtigaa naadiga Dekedda

W\Q:Maxamed Xuseen Qalinle

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com