Horseed Vs Banadir Sports Club- Xogta Kullankan & Wax Walba Aad Ugu Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulanka Adag Ee Somali Premier League

Kooxaha Banadir Sports Club iyo Horseed ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis kullan ka tirsan horyaalka Somali Premier League.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan kooxda Horseed oo u hanqal taageysa hogaanka horyaalka halka Banadir ay rabto iney u soo dhawaato Horseed, kullankan ayaa ah midkii 50-aad ee laga dheelayo horyaalka si kale hadii aan u micneeyo waa kulamadii 10-ee horyaalka fasal ciyaareedkan.

XAQIIQDA KULLANKAN:

WARARKA LABADA KOOXOD:

Kooxda Banadir Sports Club kulanka galabta waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Cali Yare oo ku maqnaan doona 3-jaalo sido kale Daadir Aamiin Cali Daada iyo Jeyna oo dhaawacyo kala duwan ku seegaya kulankan weyn.

Wiilasha Horseed ciyaartan waxey weyn doonan xidigaha kala ah Nuune Haashimi oo ku maqan saddex jaalo iyo Cali Cade oo isagana ku seegaya Roose ama kaarka Casaanka.

Koxoda Banadir waxaa shaki la galinaya xidigeeda daafaca bidix ee Abuukar kaa uu dareemaya dhaawac.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

Kullankii ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan wajiga hore ee horyaalka waxaa guul 1-0 soo gaartay naadiga Cawo iyo Maalin ee Horseed kulan dhacay 26-01-18.

Lixdii kulan ugu dambeysay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka Somali Premier League waxaa 4-kamid ah badisay kooxda Banadir sido kale mid kamid waxaa adkaatay kooxda Horseed halka kulanka kale ay ku kala baxeyn bar baro 0-0.

WARARKA KOOXDA BANADIR SPORTS CLUB:

Kooxda Banadir Sports Club kullankii ugu dambeyay waxey guul 4-2 ka soo gaartay naadiga ay coltamaan ee Jeenyo kulan ciyaareed dhacay 23-03-18,.

Cabdiqaadir Eenow Bentike waa xidiga ugu goolasha badan kooxda banadir Sports Club isago xili ciyaareedkan dhaliyay 9-gool.

Safka kooxda Banadir Sports Club waxaa ku soo biiray daaficii hore kooxda Jeenyo Xamse kaa uu ay macquul tahay in uu kulankan ku soo bilaawdo.

Kooxda Banadir ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyado leh 17-dhibcood.

WARARKA KOOXDA HORSEED:

kooxda Horseed ciyaartii ugu dambeysay waxey guul dahabi ah ka soo gaartay naadiga ay sanadkan ka jajaban tahay ee Elman kadib markii ay ugu awood sheegatay 2-0.

Horseed ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee horyaalka iyado leh 21-dhibcood

Cabdinaasir Gurxan iyo Ibraahim Budka ayaa ku soo biiray kooxda cawo iyo maalin ee Horseed waxaana macquul ah iney ku soo bilaawdan kulankan.

OGEYSIIS KULANKA:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Banadir Sports Club Vs Horseed

Goobta: Banadir Stadium

Saacada: 3:45

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com